U bood dhigaalka

AMERICA: Waa Maxay Qorsha Cusub Ee Siyaasadda Dibadda Maamulka Biden

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ballan qaaday in dalkiisu ku laaban doono kaalintiisa hoggaamineed ee adduunka isla markaana uu hagaajin doono xiriirka uu la leeyahay xulafadiisa adduunka.

Si kastaba ha noqotee, iska carrab tiridii madaxweyne biden ee arrimaha caalamiga ah markii uu jeedinayay khudbadiisii ​​ugu horreysay intii ay socotay xafaladii caleemo-saarkiisa ayaa shaki gelisay mudnaanta iyo muhiimadda ay u leedahay siyaasadda arrimaha dibedda ee ajandahiisa oo ay culeys ku keeneen xasaradaha iyo kala qaybsanaanta gudaha ka dib dhammaadkii 4 sano ee xukunkii madaxweynihii isaga ka horreeyay, Donald Trump.

Inbadan oo kamid ah xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in u dhawaanshaha biden ee Anthony Blinken, Xoghayaha dibadda ee Magacaaban, ay xoghayaha ubaneyneyso boos ballaaran oo uu door weyn kaga ciyaari doono qaabeynta istiraatiijiyadda siyaasadda arrimaha dibedda ee Washington xilligan.

Blinken ayaa aaminsan iskaashi dhinacyo badan leh oo lala yeesho ururada caalamiga ah, iyo kobcinta dimuqraadiyada adduunka, wuxuuna dhaleeceeyay is go’doominta iyo
hal-dhinaclayntii maamulka Trump.

Sida uu qabo waxaa ku talinayaa in dib loo soo nooleeyo kalsoonida caalmka ee Mareykanka oo ahayd inuu Ameeeikaanku yahay saaxiib la isku halleyn karo, ku laabashada heshiiskii Paris si loo ilaaliyo cimilada, kasii mid ahaanshaha Ururka Caafimaadka Adduunka, iyo in fiiro gaar ah loo yeesho dhibaatooyinka caalmiga ah, iyadoo la isku dayoyo in la xaliyo.

astaamaha ugu muhiimsan ee istiraatiijiyadda arrimaha dibedda ee Blinken waxaan kusoo koobeynaa 4 arrimood. Innagoo mid mid udul istaagi doona Waxa ayna kaliyiin doorka caalamiga ah ee maraykanka, macaamilka Shiinaha, lafalgalidda Ruushka iyo Bariga Dhexe.

Hoggaanka Mareykanka iyo Doorka Caalamiga ah.

Intii lagu guda jiray kulankii Gudiga Arimaha Dibada ee Senate-ka, Xoghayaha Arimaha Dibada wuxuu cadeeyay sanado badan in masiirka Mareykanka uu ahaa hogaaminta aduunka. Wuxuu yiri, “Marka Mareykanku uusan ka qeybqaadan, ma hogaamin karayo, ka dibna waxa dhacaya labo midood, tan kowaad ayaa ah in wadamada kale qaarkood ay isku dayayaan inay qaataan booskayaga oo ay hogaamiyaan; laakiin waxay u badan tahay inaysan ku socon qaab u adeegaya danaha iyo qiyamkeenna, tan labaad ayaa ah in firaaq uu dhaco mana jiri doono waddan adduunka hoggaamiya oo sidaas ayey fowdo ku dhacaysaa, Labada hab midkoodna uma adeego dadka Mareykanka.”

Anthony Blinken waxaa loo arkaa mid ka mid ah jiilka isbeddelka adduunka iyo faragelinta ballaaran ee Mareykanku ku hayo nidaamka caalamiga ah, wuxuuna aaminsan yahay in hoggaanka Mareykanka ka shaqeeyo dadaallada lagu dhisayo jabhad mideysan si looga hortago hanjabaadaha ka imanaya Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan.

Wareysi uu maalmo ka hor siiyay idaacadda “Arimaha Sirdoonka” ayuu Blinken ku sheegay in dalkiisa looga baahan yahay inuu dib u dhiso isbahaysiga si wax looga qabto “fadhiidnimada dimoqraadiyadeed” ee uu sababay Trump, taas oo u ogolaatay “Ruushka iyo Shiinaha inay ku guuleystaan ​​gacan sarre iyagoo ka faa’iidaysanaya dhibaatooyinka nagu soo foodda leh. ”

Lamacaamilka Shiinaha:

Kooxda arimaha dibadda Biden, oo uu hogaaminayo Blinken, waxay sii wadi doontaa siyaasadii qallafsanayd ee Trump uu ku wajahay Shiinaha, maadaama uu blinken shiinaha u arko inuu yahay la tartamaha maraykanka ugu weyn ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo militariga, waxayna u muuqdaan kooxdu inay sameyn doonaan tanaasul dhanka ganacsiga ah, waxa uu dooonaya xoghayuhu nay in la ilaaliyo hantida aqooneed ee shirkadaha Mareykanka ee halkaas ka shaqeeya.

Taa baddalkeedii Halkii uuqaadi lahaa tallaaboyin hal dhinac ah, wasiirka arrimaha dibedda shaqadiisu waxay diiradda saari doontaa ka dhaadhicinta xulafada Yurub iyo Aasiya inay ka taageeraan Washington dadaalkan.

Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in hawlhalinta Heshiiska Iskaashiga Ganacsiga ee Baasifigga, oo 40% ka ah ganacsiga adduunka, ay la too noqonayso awoodda dhaqaale ee Shiinaha, heshiiskan ayaa qayb ka aha tiro heshiisyo uu ka baxay madaxweyne Trump.

Isla waqtigaas, Blinken wuxuu kala xaajoon doonaa hoggaanka Shiinaha iskaashiga dhinaca ilaalinta cimilada, la dagaallanka fayraska Corona, iyo maareynta dagaalka ganacsiga ee uu bilaabay Trump, isagoo xaqiijinaya mowqifka waddankiisa ee ku aaddan dhibaatada Taiwan iyo arinta xuquuqda biyaha Badda Koonfurta Shiinaha.

Is hortaaga halista Ruushka:

Xoghayaha ayaa isku dayi doona inuu qaato laba siyaasadood oo ku wajahan Ruushka oo ku saleysan inuu u arko inuu yahay danwadaag hadana loollan uu kala Dhaxeeyo,Tusaale ahaan, Blinken wuxuu taageerayay siyaasada cunaqabateynta lidka ku ah Ruushka tan iyo 2014kii kadib Qabsashadii mascow ay qabsatay gobolka cremea ee Ukraine, isla waqtigaasi xoghayuhu wuxuu dalbanayaa taageerada Moscow si dib loogu bilaabo wadahadallada Iiraan ee ku aadan heshiiska nukliyeerka.

Wuxuuna ka digay xoghayuhu in iska horimaad kasta oo juquraafi ah oo laga hortago Ruushka uu noqon doono mid khatar badan.

Blinken wuxuu rumeysan yahay in NATO ay tahay gashaanbuur wax ku ool ah oo laga difaaco dimuqraadiyadda dalalka Balqaanka iyo Bariga Yurub, gashaanbuurta ayaa ka feejigan inay dib usoo laabato saamaynta Ruushka, wuxuuna taageersanyahay kordhinta dhaqaalaha gaashaanbuurta NATO ee 2% marka la gaaro 2024.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ee magacaaban ayaa qiraya in sanadihii 1990-yadii ay Dimuqraadiyiintu qalad ku ahayd inay aaminaan in Ruushka uu noqon karo dawlad dimuqraadi ab hadii uu xiriir wanaagsan la yeesho Mareykanka iyo NATO.

Kolkaa ay Washington taageertay ku biiritaanka Ruushka ee Ururka Ganacsiga Adduunka 2006. Blinken wuxuu aaminsanaa in ka dib markii Vladimir Putin uu xukunka qabtay 1999kii, iskaashiga reer galbeedka iyo ruushkh uu sii qoto dheeraan doono; Laakiin tani maysan dhicin sababtoo ah xaqiiqda ayaa ah in qiyamka dimoqraadiyadda aysan lajaanqaadi karin dabeecadda qaab-dhismeedka awoodda xukun ee ka jirta dalka ruushka.

Sida laga soo xigtay Blinken, maamulka Biden wuxuu ku dhawaaqay in uu raadin doono in lasii dheereyn soono waqtiga heshiiska New START ee xadaynta hubka niyukleerka ee lala galay Ruushka, oo dhacaya Febraayo 5, Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay damaca Washington ee ah in loo kordhiyo heshiiska 5 sano oo dheeri ah.

Bariga Dhexe.

Blinken wuxuu xaqiijiyay inuu safaarada Mareykanka uu udayn doono magaalada Qudus, wadankiisuna uu sii wadi doono inuu ictiraafidda qudus inay tahay caasimada Israel.

Wuxuu ku celinayay Mowqifka Biden ee ahaa in xalka kaliya ee lagu xalin karo khilaafkaas mandaqadda uu yahay “xalka laba dowladood.” Laakiin wuxuu ka shakiyay in xalkan lagu gaari karo muddo gaaban.

Blinken ayaa sidoo kale balan qaaday inuu si deg deg ah uga fiirsanayo go’aanka xoghayihii hore ee arimaha dibada Mike Pompeo ee ahaa in kooxda Xuutiyiinta Yemen loo aqoonsado “urur argagixiso”, wuxuuna cadeeyay in xukuumada Biden ay diyaar u tahay inay dib ugu noqoto heshiiskii Nukliyeerka ee Iran lala galay iyadoo shuruud looga dhigay in Tehran markale waxay ay gudato waajibaadkeeda heshiiska, Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dalkiisa uusan u ogolaan doonin Tehran inay heysato hubka Nukliyeerka.

Muhiimadda ugu weyn ee Blinken ka leeyahay Bariga Dhexe waa in uu Iran ka dhaadhiciyo inay joojiso bacriminta uraniumka oo ay xirto xarumaha nukliyeerka. Inkastoo uusan doonayn Dib u soo nooleynta heshiiskii Niyukleerka ee Barack Obama, ee uu Donald Trump ka laabtay 2018. Hadana xoghayuhu wuxuu rabaa inuu Tehran ku lagalo heshiis kaa lamid, oo baabi’in doona isku day kasta oo mustaqbalka ay iran dib ugu bilaabi karto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Blinken wuxuu mudnaan muhiim ah siinayaa xiriirka Israel, maadaama uu u arko “saaxiib” dhinacyada siyaasada iyo amniga, wuxuuna taageeray doorka maamulka Trump ee wadaxaajoodka u dhexeeya Israel, Imaaraadka iyo Baxreyn, iyo heshiisyadii laga gaaray aasaasida xiriirka diblomaasiyadeed ee udhaxeeya dalalka khaliijka iyo israal.