U bood dhigaalka

Amiirka Qatar Oo Geeriyooday

Sheeko:Caalamka

Dalka Qatar ayaa sheegay in uu geeriyooday amiirkii hore ee dalkaasi Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-taani.

Amiirka ayaa geeriyooday shalay isagoo da’diisa lagu sheegay 84 jira, muddo 3 maalmood ah ayey Qatar sheegtay in loo baroor diiqi doono.

Sheekh Khaliifa waxaa uu Qatar madax ka ahaa 1972-1995, waxaa kadib afgambiyay wiilkiisa Xamad oo ah aabaha Amiirka hadda dalkaasi ka taliya.

Waxaa xusid mudan in Xamad isna uu afgambiyay wiilkiisa Tamiim 2013-kii, in kasta oo dadka loo sheegay in uu Odayga isaga iska wareejiyay xilka.