Ammaanka Jowhar Oo La Adkeeyay

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, maadaama magaaladaasi lagu qabanayo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Wararka waxa sheegayaan in dhammaan xaafadaha magaalada Jowhar lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo amniga xaqiijinaya, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in halkaasi ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo dowladda ka socda.

Sidoo kale AMISOM ayaa sugeysa ammaanka halka lagu qaban doono doorashada madaxweynaha Hirshabellle.

Cismaan Cabdalla, wariyaha Goobjoog ee Sh/dhexe, wuxuu soo sheegayaa in magaalada Jowhar ay buux dhaafiyeen siyaasiyiin badan.

Sabtida soo aaddan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Hirshabelle, iyadoo musharraxiin badan ay is diiwaangeliyeen.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW