U bood dhigaalka

Amniga Magaalada Garoowe Oo La Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe oo xarun u ah gobolka Nugaal.

Howlgal la sheegay in lagu soo qabqabtey in ka badan 20 qof ayeey ciidamada amniga ka sameeyeen magaaladaasi, iyadoo sababta arrintani ka dambeyso doorashooyinka ka dhici doona Garoowe.

Saciid Maxamed Xirsi oo ah taliyaha ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgalkaan looga golleeyahay in amniga guud ee Garoow lagu xaqiijiyo maadaama magaalada ay yimaadeen siyaasiyiin badan oo xilal raadinaya, doorashooyinna ay ka dhici doonaan magaaladaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka la qabtay looga shakiyey iney maleegayeen falal amni darri ah, balse ciidanku ay baaritaanno ku wadaan dadkaasi.

Mashquul badan ayaa xilligaan laga dareemayaa magaalada Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xildhibaannada Labada aqal.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada