U bood dhigaalka

Antony Blinken oo gaaray Qaahira

Sheeko:Dalka

Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Blinken ayaa lagu wadaa in kulan uu la qaato dhiggiisa Masar iyo madaxweynaha dalkaas Cabdulfataax Al-siisi, waxaana la filayaa in uu kala hadlo arrimo dhawr ah.

Masar ayaa sidoo kale la filayaa in uu kala hadlo xaaladda gobalka , dalalka Liibiya, Suudan iyo arrimo kale oo ka taagan gobalka.

Dalka Masar ayaa ah dalka ugu badan ee hela gargaarka militeri ee maraykanka uu bixiyo, iyadoo sanad walba guddoonta in kabadan 1 bilyan.

Goobjoog News