U bood dhigaalka

Araaji Qabasahda Musharraxiinta Jubbaland Oo Maanta Bilaabanaysa

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxtinimo ee Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya qabashada araajida musharraxiinta u taagan xilkaasi.

Xuseen Xirsi Axmed oo ah xoghayaha guddigaasi ayaa sheegay in cid walba oo musharrax ah laga doonayo in ay soo buuxiso shuruudaha, iyo araajida laga doonayo.

Waxa uu tilmaamay in ciddi diyaar ah ay araajidooda keeni karaan xafiiskooda oo ku yaalla meel ku dhaw xaruntii Caymiska ee magaalada Kismaayo.

Maanta oo taariikhdu tahay 7-da August ayeey bilaaban doontaan qabashada araajida, waxaana ay ku egtahay 8- August illaa gelinka Dambe.

Waxaa la filayaa in 15-ka bishaan ay dhacdo doorashada musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland, iyadoo weli aanay jirin musharrax la tartama Axmed Madoobe oo shaaciyay in xilkaasi uu u taagan yahay.

Goobjoog News