U bood dhigaalka

Askar Loo Xiray Dilka Taliyahii Saldhigga Booliiska Ee Degmada Goldogob, Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug iyo taliska booliiska ee Puntland ayaa xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo ku eedeysan in habeenkii xalay ahaa ay dileen taliyahii saldhigga ciidamada Booliska degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Askartan la xiray ayaa ah Afar, waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado qaabka dilkaan u dhacay iyo sidoo kale cidda ka dambeysa.

Xasan Maxamed Faarax, Guddoomiyaha degmada Goldogob iyo wafdi kale oo Puntland ah ayaa waxay tageen deegaanka Bursaalax oo aan ka fogeyn halka lagu diley Taliyahan oo lagu magacaabayey C/xamiid Warsame.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda ay wadaan baaritaanka qaabka dilkan u dhacay iyo sidoo kale haddii ay jiraan dad kale oo arrintaan ku lug leh.

Dhanka kale, Xasan Maxamed Khaliif oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa isna dhankiisa sheegay in aan laga hari doonin cid walbo oo ku lug yeelata dilkan dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News