U bood dhigaalka

Askari dilay Qof Shacab ah oo gacanta lagu dhigay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda ayaa war ka soo saaray dil askari ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka uu u gaystay nin shacab ah, kaas oo ku sugnaa degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir.

Gaashaanle Saadaq Doodishe Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka allaah u naxariistee buubakar Maxamed Nuurani oo 65 sano jir ahaa ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka ka dambeeyay.

Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in cadaaladda uu wajihi doono eedeysanaha, kaas oo hadda ku jiro gacanta ciidamada dowladda.

” Maanta 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamar-weyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar. Eedeysanah ayaa Cadaalada Wajahaya, IA” ayuu yiri Gaashaanle Saadaq Doodishe Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa kamid ah dadka shacabka ah ee ku ganacsada degmada Xamar-weyne ee gobalka banaadir, waxaana dilkiisa aad uga hadlay dadka deegaanka.

 

Goobjoog News