U bood dhigaalka

ATMIS oo cambaareysay weerarka Hotel Xayaad

Sheeko:Dalka

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa  cambaareeyay weerarkii ay ururka alshabaab ku qaadeen Hotel Xayaad habeennimadii jimcaha ahayd ee kaas oo qaatay muddo 30 saacadood ku dhaw.

ATMIS ayaa sheegtay in ay ka xuntahay weerarkaas, waxaana ay xustay n ay mar walba ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliyeed.

Howgalka Midawga Afrika ee kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ATMIS ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii eheladooda ay ku dhinteen weerarka, waxaana sidoo kale ay caafimaad degdeg ah u rajeeyn dadka ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan weerar qaatay ku dhawaad 30 saacadood, oo ay ururka alshabaab ku qaadeen hotel Xayaad.

Goobjoog News 

Mawduucyada:Gobollada