U bood dhigaalka

ATMIS oo hambalyeeysay qabsashada Aadan Yabaal

Sheeko:Dalka

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xoreynta Aadan Yabaal, magaalo dhacda Gobolka Shabeellada Dhexe oo kooxaha argagixisada u ahayd xarun ay ku tababartaan.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Danjire Seyf.

Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu kala shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada iyo in ay amni iyo xasillooni ku soo dabbaalaan dalkooda”, ayuu carrabka ku adkeeyay.

Taliyaha KMG ah ee Ciidanka ATMIS Sarreeye Guuto Keith Katungi, ayaa sheegay in ATMIS ay taageero la garab taagnayd. “Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii ay howlgalladan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka ee dhulka ka dagaallamaya.”

Waxa uu intaa raaciyey: “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab”.

Goobjoog News