Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada Birjeex ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miinooyin ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo isku xirta tuulooyin u dhow deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan aagga tuulada Caanoole.