Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, gaar ahaan dadka ka qeyb-galaya doorashada Golaha Degaanka iyo dhinacyada ka soo horjeeda, isagoo ku baaqay in la dhowro nabadda, lana ilaaliyo nafta aadanaha.