Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shaaca ka qaaday in dalagga kasoo go’a beeraha dalka Pakistan uu fursad toban laab ka wanaagsan ka haysto suuqyada marka loo eego dalagga kasoo go’a beeraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Afgooye, Balcad iyo Jowhar.