Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Qorilow, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.