Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dib u soo nooleeyay xiriirkoodii difaac ee taariikhiga ahaa, taas oo timid 40 sano ka dib markii ugu dambeysay ee labada dal ay yeeshaan iskaashi noocan oo kale ah. Kulanka istiraatiijiga ah ee heshiiska lagu kala saxiixday waxaa ka qayb-galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin(Fiqi) iyo dhiggiisa Shiinaha, Admiral Dong Jun.