Dalalka Maraykanka, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa si wadajir ah u soo jeediyay qorshe nabadeed oo loogu tala-galay xallinta dagaalka ka socda dalka Suudaan, iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya dalkaasi inay si degdeg ah u qaataan xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socota muddo saddex bilood ah, taas oo gogal xaar u ah in la gaaro xabbad-joojin rasmi ah.