U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Farriin u Diray Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaallada dib uga soo cusboonaadey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in halkii laga filayey nabad ay colaad kasoo cusboonaato, wuxuuna ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug iney ka dhabeeyaan heshiiskii ay ku gaareen Imaaraadka.

Waxa uu tilmaamay Axmed Madoobe in magaalada Gaalkacyo ay u dirayaan wafdi dhex dhexaadin ah si loo qaboojiyo dagaallada, dhanka kalena magaalada Kismaayo lagu qaban doono wejiga Labaad shirkii Puntland iyo Galmdug ee Imraadka ku bilowdey.

“Waxaan sugeynay in lasii amba qaado geeddi socodka nabadda, ma ahayn in xilligaan la dagaallamo, waxaan ka maamul ahaan diyaar u nahay inaan wefdi dhex dhexaadin ah u dirno Gaalkacyo, sidoo kalena Kismaayo lagu qabto wejiga Labaad ee shirka wada hadalka Galmudug iyo Puntland” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa soo badanaya baaqyada kala duwan ee loo dirayo maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ku saabsan dagaallada kasoo cusboonaadey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Goobjoog News