U bood dhigaalka

Maxeey Ka wada Hadleen Axmed Madoobe & Mahdi Guuleed

Sheeko:Dalka

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Garowe ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ,

 

Axmed madoobe oo hoyga uu ka dagan yahay Garowe  Mahdi Guleed , ku booqday ayaa la qaatay kulan saacado badan socday kulanka ayaana waxaa looga hadlay sidii arima ay ka mid yihiin xalinta qilaafaadka xukuumadda iyo jubbaland ee arimaha soo doorashooyinka .

 

Mahdi maxamed Guleed  ayaa yiri kulanka kadib ““Waxaa caawa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe)”.

kalan ka ayaa sidoo kale waxaa qeeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta  ee xukuumadda .

Dhana kale mas’uuliyiinta kusugan magaalada Garowe ayaa la filaya in ay inta ay halkaas joogaan ay yeeshaan kulama duceedyo gaar gaar ah.

 

Mawduucyada:Gobollada