U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Ra’iisul Wasaaraha Waxaan Isla Qaadanay In Kalsoonidii Lasoo Celiyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay kulankii maanta uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo arimo badan ay ka wada hadleen.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeen soo dhaweeyay safarka Ra’iisul wasaaraha uu ku tagay Kismaayo, waxaana uu sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay safarkaan, islamarkaana uu soo dhaweynayo.

Waxa uu tilmaamay Madoobe in Ra’iisul wasaarha ay islagarteen in la’isku dayo Kalsoonidii in dib loo soo celiyo maadaama sida uu sheegay ay soo baxday kalsooni darro badan.

“Waxaan isla garanay in kalsooni darro badan ay soo baxday, marka hore in la’isku dayo in kalsoonidii lasoo celiyo, soo maritaankiisa halkaanna ay ahayd in uu kalsooni abuuro, guddi dowladda Federaalka oo Ra’iisul wasaaraha soo magacaabay iyo kuwo reer Jubbaland ah in ay wada fariistaan ayaan isla garanay, kalsoonidii la keeno fara isku taagtaagna ay waxba tareen ayaan isku sheegnay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn rajo ka muujiyay in mira dhal uu kasoo baxo kulmada ay wada yeelan doonaan Labada dhinac, maadaama khilaaf uu jiray.

Jubbaland ayaa horay u sheegtay in kalsoonidii ay kala laabatay dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya uu diiday baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoog News