U bood dhigaalka

Axmed Madoobe:  Waxaa Nasiib darro ah in aanan Garaneyn Cidda wadanka Xukunta iyo cidda Mas’uulka ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shir jaraa’id qabtay waxyar kadib markii uu ku laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay in dalkan aanu lagu maamuli karin fikir hal aqof.

Mr. Madoobe oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maxaa ajende ah oo aan ka wada hadleynaa, waayo waxa ugu muhiimsan waa siyaasadda aan meel ku ogaanno, waxaa asal ah Soomaaliya maanta ma joogto xilli hal qof, hal fikir iyo hal calan looga talin karayo, wax la isku uruurinayo, oo hadda la yagleelayo weeye, sidaasi darteed Soomaaliya ma noqon karto meel qof aragtidiisa ay wax ku noqon kareyso.

Dhinaca kale waxaa uu ku dheeraaday ajendaha shirka sida uu ahaa:

Ajendaha shirka dhexdiisa ayaan ka sameyney, (1).  In la helo gole siyaasadeed oo dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah fulin ahaan la isku wareysto, oo looga tashado, haddii aan mar walbo la wada joogin, qofna keligiisa waxba ma qaban karo, taas oo aan wax u dhimeyn golihii amniga, waa uu sii jirayaa, waana ka hoos shaqeynayaa.

(2).  Arrinta Galmudug, oo aheyd mid aad iyo aad xasaasi u ah oo sidii Ahlu sunna ay isugu darsameen iyo Galmudug oo khilaaf badan oo dowladda federaalka ah iyo wax badan la tabanayey, in iyadana aan la sal gaarno, oo laga gaaro xal dhab ah, maamulka Galmudug diyaar u ahaa in la tixgeliyo heshiiskii Djibouti iyo dastuurka Galmudug.

(3). Xeerar loo gudbiyey baarlamaanka oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka iyo shidaalka in la soo celiyo, oo aan ka wada hadalno. Ra’yiga aan leennahay aan ku darno.

(4). In la qeexo wada shaqeynta wasaaradaha dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada

(5). Sida loo qeybsano deeqaha

(6). Dhameystirka dastuurka, oo noqdey mid jeebka lagu wato, oo in loo helo dad badan madaxbannaan, oo waqti la siiyo, kadib loo bandhigo dowlad goboleedyada iyo shacabka.

(7). Maqaamka ay yeelaneyso caasimadda Muqdisho.  Hubaal waxaa ah Muqdisho caasimaddii JFS, asal bey u aheyd, haddii aan la qeexin caasimadda maqaamkeeda, oo si siyaasi ah in looga hadlo, heshiis siyaasadeed iyo mid dastuuri ah wax mar walbo ku jireysaa mugdi, dad reer Muqdishuna waxaa ka maqnaanaya xuquuq dastuuri ah, oo Maayerkeeda la doorto, xuquuqdeeda la ogaado.

(8). La dagaalanka argigixisada, waxaa ay noqotay, oo hadda cid walba sidii ay rabto wax u xaliso.

(9). Wada hadalka Somaliland waxaa ay u baahantahay in si dhab ah looga wada hadal, Soomaaliya waa isu baahan tahay. In la qeexo, oo laga howgalo arrinta Somaliland.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in aan la ogeyn cidda dalka ka talisa “Waxaa nasiib darro, madaxda dowladda federaalka ah uma soo diyaar-garoobin ajendahaas, waxaa ku adkaatay in ay aqoonsato dhibaatada, waxaan ka hadalnay arrimaha shidaalka, doorashooyinka waa masiiri, waxaa nasiib darro ah in aanan garaneyn cidda wadanka xukunta iyo cidda mas’uulka ah, oo kii ugu sareeyay marka aad la fariisato uu leeyahay talo ayaan dib ugu noqonayaa, waayo, madaxda dowlad goboleedyada, madaxweynihii dowladda federaalka ah iyo ra’isul wasaarihii inta la fariisto la leeyahay cid kale ayaa talo lagu celinayaa, waxaan dhihi karnaa shirkaas waxaa ku soo dhammaadey si natiijo la’aan ah.

Goobjoog News