U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Waxaan u Diyaar Nahay Inaan Xoreyno Deegaannada Inaga Maqan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay arrimo badan oo maamulkiisa uu qabtay sanadkii tagay ee 2016, isaga oo sheegay in sanadkaasi ahaa mid Soomaalida ugu hadal hayn badan tahay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay Sanadkii tagay ay ku guuleysteen in ay dhisaan xukuumad dib u heshiisiin oo Jubbaland ah iyo isku keenidda beelaha dega deegaannada maamulka Jubbaland, ayna sidoo kale u diyaar garoobeen la wareegista deegaannada Al-shabaab ay gacanta ku hayaan.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan qabannay ayaa waxay ahayd in aan dhisno xukuumad dib u heshiisiin ah  iyo isku keenidda beelaha dega Jubbaland, waxaa jiray u diyaar garowga xoreynta deegaannada maqan iyadoo laga duulayo, in la diyaariyo ciidamo Tayo leh oo xoreeya dhulka ka maqan gacanta Jubbaland”

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in hadda ay diyaarinayaan oo gacanta ku hayaan baahinta maamullada, islamarkaana deegaan walbo oo Jubbaland ah uu soo dooran doono maamul ay iyagu leeyihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu Dambeyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Jubbaland ay sanadkan 2017 wax badan ka qaban doono arrimaha ammaanka, dib u dhiska iyo sidoo kale la wareegista deegaannada harsan ee Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Goobjoog News