U bood dhigaalka

Axmed Madoobe”Xiriirka Ayaan u Jarayna Dowladda Federaalka Haddii Baarlamaanka Mooshinka U Codeeyo”

Sheeko:Dalka

MadoobeMadaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysey ka Hadley moowqifkiisa ku aadan mooshinka yaala baarlamaanka federaalka ee lagaga soo horjeedo baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay marxaladihii ay soo martay Jubbaland illaa xiligii dhismaheeda lasoo bilaabay labo sano ka hor, wuxuuna xukuumaddii Ra’isulwasaare Saacid ku eedeeyey in ay iska dhago marisey in ay xal wax ku dhameyso, taasi badalkeedana ay dagaalo ka dhaceen magaalada Kismaayo.

Baarlamaanka Jubbaland ayuu sheegey in dadka ay qaab deegaan wax kusoo xusheen, islamarkaasina iyaga oo ku qanacsan dadkii matali lahaa ay baarlamaanka usoo magacoowdeen.

46 oday oo ka mid ah kuwii soo xuley baarlamaanka federaalka ayuu sheegey in ay ka qeybgaleen xulista baarlamaanka Jubbaland, iyada oo aanan qabiil lagu saleynin qeybsiga, laguna saleeyey qaab deegaan ah sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu ku baaqay in meel la’iska dhigo arrimaha qabyaaladda, loona jeedsado Soomaalinimo iyoi wada jir.

Arrimaha ku saabsan mooshinka ayuu sheegey in uu qeyb ka yahay olole isir naceyb ah oo ku wajahan dad gaar ah, iyo sidoo kale in la diidanyahay nidaamka federaalka.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu isaga soo xirey xafladdii caleemosaarka baarlamaanka Jubbaland, iyada oo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha uu furey shirka xulista baarlamaanka, hadane sidaasi oo ay tahay wax laga dhageysan waayay madaxweynaha, lana wado mooshinka.

“Madaxweyne waxaan ku leeyahay meesha ka maqnoow ama ka muuqo” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegey in madaxweyne Xasan Sheekh ay mas’uuliyad ka saarantahay dhawrista dastuurka dalka.

Baarlamaanka federaalka ayuu ku eedeeyey mid gabay hawlihii loo igmaday, islamarkaasina maalin kasta ku mashquulsan mooshin, sidaasi darteedna aanan dalka gaarsiin karin hiigsiga 2016-ka. “Waxaan ugu baaqayaa odayaashii soo xuley xildhibaanada in ay ka tashadaan in dadkii ay soo xuleen aysan ahayn kuwa xalka ka talinaya”.

“Waxaanse isweeydiin leh baarlamaanka ma iyagaa Jubbaland dhisey, ma iyagaa dhulka u xoreeyey” ayuu isweeydiiyey Axmed oo sidoo kale xusuusiyey in haddii codka ay qaadaan in Jubbaland ay xiriirka wada shaqeyn u jari doonto dowladda federaalka.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayuu ka codsaday in uu muujiyo mas’uuliyad qaranimo, meelna iska dhigo wax u ku tilmaamay in uu ku hadlayo magac qabiil.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweyne Shariif Xasan ayuu ku yiri “Waxaan idiin sheegayaa waa lasoo dhaafay xiligii qabiilka la’isku diriri jirey, waxaan idin leeyahay riyo ayaad ku jirtaan, wax lix gobol la yiraahdo ma jiraan, dadka marka ay hurdaan ayay riyoodaan, ee idinku oo soo jeeda ayaad riyooneysaan”.

Mar uu ka hadlayay in uu gorgortan ka galayo baarlamaanka Jubbaland iyo in kale ayuu yiri ‘Waxaa jira dad la wareegaya 10 baa lagu darayaa iyo 20 baa lagu darayaa, waxaan idiin sheegayaa hal kursi laguma darayo, ciddii wax tabaynaysa ee reer Jubbaland ah anaga hanoo timaado, siyaabo kale ayaa lagu qancinayaa, waxaa jira wasiiro iyo meelo kale oo badan”.

Ugu Dambeyntii beesha caalamka ayuu ka codsaday in ay il gaar ah u lahaato dadka uu ku tilmaamay qas wadayaal oo baarlamaanka maalin kasta mooshin cusub geeya.

Goobjoog News