U bood dhigaalka

Axmed Siilaanyo Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Wasiirkii Boostada Iyo Isgaarsiinta Iyo Taliyahii Ciidanka Badda Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xil ka qaadis waxa uu ku sameeyay Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta maamulkaasi iyo sidoo kale taliyahii ciidanka badda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Siilaanyo ayaa xilka looga qaaday mas’uuliyiintan, waxaana qoraalka u qornaa sida:-

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis

  Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal, wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta     

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

2. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL                                            

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH