B/weyne: Duulimaadkii Oo Hakad Ku Jira

Waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay galeen biyo badan, roobab ka da’ay magaaladaasi.

Saraakiil ku sugan Garoonkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax duulimaad ah aanu jirin, iyadoo aan la ogeyn xilliga sida rasmiga ah ay duulimaadyadan dib ugu billaaban doonaan.

Dayactir wanagsan ma uusan helin garoonka magaalada B/weyne , balse maamulka gobalka Hiiraan dhankiisa waxa uu sheegay in guddi ay u sameyn doonaan garoonkan si  dhismihiisa looga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan…

Xilli walbo oo uu roob ka da’o garoonka B/weyne waxaa sidan oo kale hakad u gala dhammaan duulimaadyadii magaaladaasi.

Goobjoog News

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW