U bood dhigaalka

Baardheere: Ciidamada Jubba Iyo Kuwa AMISOM Oo Gacanta Ku Dhigay Hub u Badan Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad sugidda ee Maamulka KMG ah ee Jubba oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa Howlgal ay ka sameeyeen dagmada Baardheere ku soo qabtay Hub u badan walxaha Qarxa,

Taliyaha Ciidamada nabad Sugidda ee Maamulka Jubbaland Cabdullaahi Cabdi Aadan Dalal,  ayaa sheegay in Howlgalkaan markii uu billowday ay ka war heleen guri ay ku sugan yihiin rag ka mid ahaa Al-shabaab, gaar ahaan xubno dhanka qaraxyada u qaabilsan isaga oo tilmaamay in ay weerar ku qaadeen gurigaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha inay soo qabteen hub u badan walxaha Qarxa, sida Miinooyin, Bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo qoryo.

“Howlgalka amniga guud ee degmada ayaan ku xaqiijineynay, maalmahaan waan wadnay, balse waxaa naloo sheegay gurri ay ku sugnaayeen nabad diidka, waxaan soo qabannay qaraxyo ay maleegayeen iyo hub kale, laakiinse iyaga goobta waa ay ka baxsadeen” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada nabad sugidda ee Jubbaland ayaa sheegay in Afar dhalinyaro ah, kana mid ahayd Xarakada Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamadooda, kuwaasi oo uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa xaafadaha degmada Baardheere ee Gedo, waxa ay ka wadeen howlgallo amniga guud lagu xaqiijinayo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada