U bood dhigaalka

Baardheere: Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay Hareeraha Wabiga Jubba

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii ay soo baxday digniinta Elnino ee ku aadan in roobab saameyn ku yeesha dadka deggan deegaanada ay maraaan Labada Wabi ee Jubba iyo Shabelle ayaa waxaa soo badanayay dad badan oo digniintaasi qaatay, islamarkaana billaabay inay ka fogaadaan hareeraha wabiyada.

Degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka ay billaabeen inay ka barakacaan, gaar ahaan halka degmadaasi uu ka maro Wabiga Jubba.

Boqolaal qoys oo ku dhaqan degmadaasi waxa ay ka barakaceen hareeraha wabiga Jubba, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

Dadka ayaa aad uga cabsanaya in wabiga uu kusoo fataho hadii sidii loo baahnaa uu u curto roobka xilliga deyrta ah.

Waxaa la arkayaa dad badan oo alaabtooda ka raranaya qaar ka mid ah xaafadaha degmada Baardheere, iyadoo biyo badanna laga dareemayo haatan wabiga Jubba.

Goobjoog News