U bood dhigaalka

Baardheere: Haween Is Xilqaamay Oo Lacag La’aan Wax Ku Bara Haweenka Kale

Sheeko:Dalka

Haween is-xilqaamay ayaa waxbarasho lacag la’aan ah siiya haween kale oo danyar ah kuwaasi oo ku nool degaannada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ku dhowaad 290 dumar ah oo ku kala nool Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere iyo waliba xeryaha Barakacayaasha ayaa ka faa’ideysanaya fursado waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siiyeen ururka haweenka Waamo ee fadhigiisu yahay degmada Baardheere.

Haweenka ka faa’ideysanaya waxabarashadan oo da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 50 sano jir ayaa dhammaantood ah kuwo aanan horey waxba u baran.

Fartuun Cabdullaahi Aadan oo ah Guddoomiyaha ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee Waamo ayaa sheegtay in muddo Shan Bil ka hor ay billaabeen howshan ay wax ku barayaan haweenkan oo maalin weliba tiradoodu ay sii kordheyso, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan yihiin howsha tabarrucaadda ay u sameynayaan haweenkan, waxayna intaa ku dartay in duruusta ay baraan in ay ka mid yihiin farta soomaaliga, Xisaabta, Taariikhda iyo Carabiga.

Duruusta la siinayo haweenkan ayay sheegtay in ay ka mid yihiin sidoo kale farsamada gacanta sida Harqaamada, Cunt0-karinta, Cilaan-saarka, Saameynta Dariimaha, Sameynta dharka loo yaqaano Aliindiga iyo sameynta dhiillaha caanaha lagu shubto oo ay isticmaalaan xooladhaqatadu.

Qaar ka mid ah haweenkii ka faa’ideystay waxbarashadan lacag la’aanta ah ayaa waxay dareenkooda ay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin waxbarashadan loo sameeyay, tallaabadan ayay ku tilmaameen mid gacan ka geysanaysa in haweenka aan hore wax u baran in ay fursadahan ka faa’ideystaan.

Ugu dambeyn, ururka horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee Waamo ayaa ka codsadey Hay’adaha Samafalka iyo jaalliyadaha qurbejoogta ah ee ka soo jeeda Gobolka Gedo in ay gacan ka geystaan mashruucan ballaaran ee wax lagu barayo haweenka danyarta ah ee ku nool xaafadaha Baardheere iyo Barakacayaasha, waana markii ugu horreysay ee dugsi haweenka wax lagu baro  laga hirgeliyo degmada Baardheere.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada