U bood dhigaalka

Baardheere: Qoysas Bilaabay Tabcashada Beeraha

Sheeko:Dalka

Dad  gaaraya 1, 250 (Kun, Labo Boqol iyo Kontan) Qoys oo Beeraley ahaa kana barakacay abaarahii ku dhuftay degmada Baardheere ee gobolka Ged, ayaa xilligaan waxay bilaabeen Tabcashada beerahooda.

Qoysaskan Beeraleyda ah ee bilaabay Tacbashada Beeraha ayaa  ahaa kuwa Sideedii Bil ee u dambeeyey deganaa ilaa Afar Xeryo Barakacayaasha ah ee ay ku leeyihiin duleedka Baardheere, kadib markii Labadii xilli ee lasoo dhaafey aysan waxba tabcan, taasi oo keentay saameynta abaaraha iyo roob yaraanta ka taagneyd deegaanka oo dhalisey in ay ka soo tagaan deegaanadooda , islamarkaana ay nolol u soo doontaan Xeryaha Barakacayaasha.

Maxamuud Adan, waxa uu kamid yahay Qoysaska billaabay Tabcashada Beeraha Tuulada Ilbeeto oo Baardheere u jirta ilaa 43-km, waxaana muddo 7 bil ah isaga iyo Qoyskiisa oo ka kooban ilaa 9 ruux ay deganaayeen Xerada Barakaca ee Buul-geediyo ee ku taala Duleedka Baardheere, waxaana uu ka mid yahay Boqolaal qoys oo 3 Todobaad kahor ka baxay Xeryaha oo bilaabay tacabka Beeraha, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyey dalagyadii uu beertay oo u badan Masago, isaga oo tilmaamay muddo 2 sanno ah in uusan goosan wax miro ah.

“Ilaahay ayaa mahad leh, waxaa hadda yimid Roobkii muddo inaga maqnaa, qof walbo waa in uu markaan xooggiisa ku tashado, beeraha ayaan falaneynaa, waan tabcaneynaa, wixii kasoo baxanaya ilaahay ayaa inoo barakeenaya” ayuu yiri Maxamuud.

Gobollada dalka waxaa ka curtay roobka xilliga Gu’a, waxaana muddo badan dalka ka jirtay abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News