U bood dhigaalka

Baaritaan Lagu Hayo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland  Maxamuud Xasan Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo lagu eedeeyey iney xabsiyada kasii daayeen eedeysanayaal.

Waxa uu tilmaamay xeer ilaaliyaha iney maqleen rag badan oo xabsiyada ku jirey islamarkaana maxkamadi ay xukuntay in si sharci darro ah lagu sii daayey, waliba ay arrintaasi ka dambeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo aanu magacyadooda sheegin.

Baaritaanno ayuu sheegay iney ku hayaan mas’uuliyiintaasi, islamarkaana haddii ay kuu cadaato in maxkamad la’aan ay dadka xabsiyada kasii daayeen ay cadaallada la kori doonaan.

“Waan maqalnay in mas’uuliyiin Puntland ah ay maxaabiis si sharci darro ah kusii daayeen, haddii ay cabasho ka yihiin xukunka la ridey waxay ahayd iney racfaan ka qaataan, balse baaritaan baa socda waana la isla xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Maxaabiis badan oo xukunno kala duwan ay ku rideen maxkamada Puntland ayaa marar badan si sharci darro ah looga saarey xabsiyada, waxaana arrintaasi lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen xubno xilal u haya maamulkaasi.

Goobjoog News