U bood dhigaalka

Baarlamaanka Carabta Oo Sheegay In Si Buuxdo u Taageerayaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya.

Mawduucyada:Gobollada