U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo ka doodaya Miisaaniyadda Sanadka 2023

Sheeko:Dalka

Waxaa xarunta Villa Hargeysa goordhaw ka furmay kal-fadhiga wadajirka ah ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo ajendihiisu uu yahay in akhrinta koowaad la mariyo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka, ayaa waxaa ka soo qaybgalaya munayaasha labada gole.

Xildhibaannada ayaa lafa-guri doonno miisaaniyadda sanadka 2023-ka oo ay u soo gudbiyeen xukuumadda, taas oo sanadkaan gaareyso $967.7 milyan.

Kulankaan ayaa horay loogu ballaansanaa Isniintii aynu soo dhaafnay, isagoo dib loogu dhigay xaalado amni oo ka jiray magaalada Muqdisho.

Markale xildhibaannada labada gole ayaa loo diray arrimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka goordhaw ka furmay Villa Hargeysa.

Goobjoog News