U bood dhigaalka

Baarlamaanka Pakistan Oo Cayriyay Ra’iisulwasaare Imran Khan

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa codka aqlabiyadda ah  kalsoonidii kala noqday ra’iisulwasaarihii dalkaas Imran Khan, kadib mooshiin ka dhan ah xukuumaddiisa oo loo soo gudbiyay golaha.

Mooshiinkaan oo ay hormuud u ahaayeen xubnaha mucaaradka ayaa guulaystay kadib markii codaynta ay ku soo biireen xubna muxaafid ah.

Dhankiisa ra’iisulwasaaraha xilka laga qaaday ee Imran Khan ayaa sheegay in uu iskacasilay xilka ra’iisulwasaaranimo ee Pakistan.

Khan ayaa la sheegay in xilkiisa uu ku waayay go’aamo baarlamaanka iyo shacabka ay ka horyimaadeen oo uu qaatay intii uu xilka haaye, kuwaas oo uu kamid yahay mowqifkiisa dagaalka Ukraine iyo Russia.

Shehbaz Sharif ayaa sii hayn doono xilka tan iyo October 2023 oo ay dhaceyso doorashada, markaas oo ay ku egtahay mudda xileedka Imran.

Sii hayaha Shehbaz Sharif ayaa ah nin la dhashay ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan  Newaz Sharif .

Imran Khan ayaa xilkaan loo doortay sanadkii 2018 markaas oo uu ku guulaystay doorasho ka dhacday dalka Pakistan, Khan ayaana ahaa xiddig hore oo Pakistan u ciyaari jiray Kkricket.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada