U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadda Gaas

Sheeko:Dalka

Kulan goor dhow ay magaalada Garoowe ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kalsoonida waxay kala laabteen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Kulanka baarlamaanka waxaa soo xaadirtay 57 mudane, waxaa  codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, waxaa ka aamusay 9 xildhibaan, halka 1 xildhibaan  uu kahor yimid.

Xildhibaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda Gaas wax qabad la’aan, waxaana madaxweyne C/weli Gaas laga sugayaa inuu soo magacaabo wasiirro cusub.

Maalmahan dambe waxaa jiray dood ay qabeen xildhibaannada Puntland, taasi oo ku aadan in wasiirada aanay la imaan waxqabad muuqda, qaarkoodna ay ku takrifaleyn hantida iyo awooddihii la siiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News