U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Meelmariyey Xeerka Tacliinta Sare

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta oo Axad ah waxa uu meelmariyey xeerka tacliinta sare ee maamulkaasi.

Xeerkan ayaa muddooyinkan dambe horyaallay golahan, waxaana uu ku jiray dib u eegis lagu sameynayey.

Xildhibaan C/raxmaan Saciid Maxamed oo ka mid ahaa guddi xildhibaanno ah oo loo xilsaaray in dib u eegis ay ku sameeyaan xeerkan ayaa ugu horreyn wuxuu akhriyey waxyaabihii ay ka bedaleen xeerkan iyo sidoo kale waxyaabihii ay kusoo kordhiyeen.

Wuxuu sheegay in lafa-gur ku sameeyeen xeerkan, islamarkaana waxyaabaha ay kusoo dareen ka mid ah arrimaha dhismaha guddiga tacliinta sare.

Axmed Cali Xaashi, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn ku dhowaaqay natiijada codeynta xeerkan.

Waxa uu tilmaamay in xeerka tacliinta sare ay u codeeyeen 30 mudane, sidaas darteedna uu ku meelmaray xeerka tacliinta sare ee Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News