U bood dhigaalka

Baarleex “Dhammaan Ergada Iyo Siyaasiyiinta Ku Sugan Cadaado Wey Bad Qabaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb  Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex oo saxaafadda goor dhaw kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in gabi ahaanba ay badqabaan Ergada ka qeybgalaysa shirka Cadaado iyo sidoo kale dhammaan siyaasiyiinta halkaasi ku sugan, ka dib weerar saaka lagu qaaday xarunta uu shirkaasi ka socdo.

Waxa uu sheegay Baarleex in ay jiraan warar been abuur ah oo la faafiyay, kaasi oo ku aadan in waxyeelo ay soo gaartay qaar ka mid ah Odayaasha ku sugan Cadaado, balse uu xaqiijinayo in hal qof aysan dhibaato soo gaarin.

Mar uu ka hadlayay qaabka weerarka uu u dhacay ayuu sheegay in gaari nooca loo yaqaano SURF lagana soo buuxiyay walxaha qarxa lagu soo weeraray xarunta Kafaalo, hase ahaatee ciidamada amaanka ay kahor tageen gaarigaasi oo qarxay, sidoo kalena ay toogteen Seddax kale oo ahaa rag hubeysan.

Waxa uu sheegay in damaca ragga weerarka soo qaaday uu ahaa in ay dhibaato ka geystaan goobta uu shirka ka socdo, balse ay ciidamada amniga oo ka feejignaa weerarkaasi ay fashiliyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Weerarkaasi waxaa soo qaaday dad argagaxiso ah oo ugu talagalay in ay dhibaateeyaan umadda, uguna soo tala galay in ay waxyeeleeyaan wanaagga ka socda halkaan, dad waxba ma gaarin, dadkii ku shirsanaa magaalada, dadkii deegaanka iyo cid walba oo halkaan joogtay waxba masoo gaarin oo wey bad qabaan, waxaana howshaasi banaanka ku celiyay ciidamada ammaanka oo feejignaa, mana soo gaarin qaraxaasi xerada kafaalo oo banaankeeda kore ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Baarleex.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo sidoo kale rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarunta uu ka socdo shirka Cadaado ee lagu dhisayo maamulka Galmudug, hase ahaatee ciidamada amniga sugayay ee halkaasi ku sugnaa ayaa weerarkaasi kahor tagay.

Goobjoog News