U bood dhigaalka

Bakool: Guddiga Abaaraha Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Bakool ayaa maalmahan wadey kormeerka deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay abaaro ka jirto si ay u ogaadaan xaaladda ay ku nool yihiin dadka shacabka ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur Aadan Cabdi Abaarey ayaa Goobjoog News u sheegay ay kula soo kulmeen halkaasi dad badan oo abaarta ay saameysay, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan xilligaan ay haysato.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in nolosha degmadaasi ay aad u adag tahay, taasi oo uu tilmaamay iney sabab u tahay waddooyinka degmadaasi soo gala badankooda ay xiran yihiin.

“Xaaladda abaareed ee degmada iyo sidoo kale deegannada kala duwan aad  bay u adag tahay, Xudur waxaa ku sugan shacab badan, waxaa xiran waddooyinkii soo galayey degmadaasi marka Hal waddo laga reebo, waxaan tagnay deegaanno badan oo gobolka ah, waxaa kamid ah degmada Ceelbarde, waxaana soo aragnay dad badan oo gargaar u baahan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur.

Aadan Cabdi, guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur, ayaa ugu baaqey maamulka Koonfur Galbeed, dowladda federaalka iyo Hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhibban gobolkaasi.

Goobjoog News