U bood dhigaalka

Bakool: Qoysas Badan Oo u Baahan Gurmad Bini’aadannimo

Sheeko:Dalka

Degmooyin ka tirsan gobolka Bakool waxaa si xooggan uga jira xaalad bini’aadannimo, iyadoo dadku ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo isugu jira Biyo, Cunto iyo dawo.

Degmada Waajid oo kamid ah degmooyin ay go’doomiyeen Al-shabaab waxaa haatan ka jira xaalad adag oo soo wajahday dadkii halkaasi ku noolaa, waxaana dadka qaar ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan macluul.

Degmada oo markii hore go’doon ahayd ayaa hadane waxaa ka jira abaar, iyadoo dadka qaar aysan awoodin in ay helaan biyo ay cabaan, iskaba daa raashin ay cunaan.

C/laahi Yariisow waa guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool, isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu ku baaqey in shacabka gurmad dhan walbo leh lala soo gaaro.

“Degmada oo markii horeba go’doon iska ahayd waxaa ugu darsamay abaar, dadkii nagu soo barakacay iyo kuwii horey u joogeyba xaaladdu hadda waa halis, waxaa loo baahan yahay gurmad isugu jira raashiin iyo biyo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degmooyin badan oo gobolka Bakool ah sida degmada Xudur waxaa saameeyey abaarta ka jirta dalka, iyadoo weli aaney jirin gurmad rasmi ah oo dadkaasi ay heleen.

Goobjoog News