U bood dhigaalka

Baladweyn: 4 Meyd Ayaa La Helay Tiro La Egna Waa La La’yahay

Sheeko:Dalka

Wararka ugu dambeeyey ee aan ka helnay magaalada Baladweyn ee xarunta Hiiraan ayaa sheegaya in la helay 4 meyd ah halka tiro intaasi la egna la la’yahay.

Shariif Xasan Ganey oo ganacsade, Guleed ibraahim ahaa guddomiyaha dhalinyarada degmada Shibis, Deqow Cabdi Cariif isna waxaa uu ahaa madaxa waaxda fayadhowrka Beledweyne  iyo  Sharma’arke Khaliif oo agaasimihii/xoghayihii xafiiska duqa magaalada dhamaan waa la helay meydadkooda

Dhanka kale waxaa la la’yahay, oo aan nolol iyo geeri lagu heyn Cabdi Keynan- darawalkii duqa magaalada, Dahabo Xasan- lataliyihii haweenka ee madaxweyne Waare, Macalin Nuur Alaale iyo darawalkii doonta.

Waxaa socdo baadi-goobka arrinkan la xiriira, waxaana gacan ka geysanaya hey’ado ay ku jiraan, AMISOM,  UNDP iyo ICRC.

Goobjoog News