U bood dhigaalka

Bandhigga 100-ka Maalin ee Madaxweyne Xasan Shiikh

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladdiisa ay haatan 100 maalin jirsatay, waxaa uu ku guuleystay inuu qabto hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, una badnaa boogadhayid iyo hagaajinta hillinka dowladnimada, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, sidoo kalana kalsooni geliyey maamullada iyo Soomaalida gudaha, siyaasad cadna ka yeeshay arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo arrimaha dibadda, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda cusub ee ra’iisulwasaare Xamze Barre si ay u gudato fulinta siyaasadaha lixda tiir.

(1). Dib-u-xoreynta iyo sugidda amniga: Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii la doortay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u habeynta hey’adaha amniga iyo sharciyadooda oo ay ugu horreyso hey’adda nabadsugidda taas oo hummaag badan ku jiray shaqadeeda sannadihii tagay, waxaa kale uu kormeer ku tagay xarumaha wasaaradda gashaandhigga iyo booliiska isaga oo labada hey’adoodba kala hadlay in maamulkiisa uu ahmiyad siinayo arrimaha amniga oo ay kow ka tahay dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha siddeed safar oo dibadda uu ku tagay, amniga waxaa uu ahaa waxyaabaha hortabinta u leh, gaar ahaan dalka Eritrea oo ciidamo shan kun oo Soomaali ah oo uu u tagay, kalana hadlay hawlaha sugaya ee dib u xoreynta dalka, waxaa kale oo qorshihiisa dib u xoreynta dalka uu hordhigay dalalka amni ahaan taageera Soomaaliya sida Djibouti, Kenya, Uganda Turkiga iyo Masar.

Dhanka gudaha, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu heegan geliyey maamullada dalka isaga oo damaciisa ah dib u xoreynta dalka kala hadlay dowlad goboleedyada sida shirkii caasimadda Muqdisho ka dhacay May 17  iyo shirkii kale ee wadatashiga qaran ee June 11, waxaa intaas dheer shirka golaha amniga ee August 23, 2022.

Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa qeyb ka ah sida dowladda ugu kacday la dagaallanka kooxdaasi, iyada oo wasiirka gashaandhigga, taliyeyaasha iyo hoggaannada amniga ay horsocdaan ciidanka ku jira dagaalka.

Siyaasadda amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ugu weyn kalsooni siinta ciidanka, awoodsiintooda isaga oo mushaar iyo garaaddaba usoo celiyey saraakiil iyo ciidan badan oo uu kutakrifal awood ku sameeyey maamulkii Farmaajo.

(2). Soomaali heshiis ah: Madaxweyne Xasan Sheekh, waxyaabaha hortabinta u leh waxaa ka mid ah in Soomaali heshiis ahaato, isaga oo taasi ka duulaya ayuu safarro ku tagay illaa saddex dowlad goboleed sida Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntland, waxaa uuna 100-kiisa maalin ee ugu horreeyey labo jeer la kulmay madaxda dowlad goboleedyada oo dhammeystiran taasi oo ku tuseysa siyaasaddiisa ku saleysan wadatashiga, kalsooni gelinta iyo midnimada.

Kullamada uu Madaxweyne Xasan la galay maamul goboleedyada, safarro uu ku tagay qaar May(Baydhabo), June(Dhuusamareeb) iyo August(Garoowe) iyo ka qeybgelinta bulshada maamulladaasi iyo la tashigooda waxaa ay horseedeen inuu taageero ku helo dib u xoreynta dalka, iyo xataa arrimo soo socda sida dhammeystirka dastuurka, daadejinta federaalka iyo doorashooyinka.

(3). Isku filnaanshiyo dhaqaale:  Madaxweyne Xasan 100-kiisa maalin ee ugu horreysay waxaa uu hillin fiican u sameeyey dhaqaalaha isaga oo soo celiyey xiriirkii iyo kalsoonida Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta sida IMF iyo Bangiga adduunka isaga oo kulan la yeeshay madaxdooda.

In Soomaaliya loo fasaxo lacago xayirnaa, midowga Yurub iyo Mareykanka ay soo celiyaan kabkii iyo lacagihii ay joojiyeen iyo in dalal sida Imaaraadka iyo Turkiga ay kabaan miisaaniyadda 2022-ka, dhammaan waxaa ay ku tusineysaa in Soomaaliga ka gudubtay kalsooni darradii, hubanti la’aan iyo qalalaasihii maaliyadeed ee laga dhaxlay maamulkii Farmaajo.

Madaxweyne Xasan keliya ma soo celin  kalsoonida maaliyadeed ee beesha caalamka, ee waxaa uu qaaday tallaabooyin kuu ifinaya sida maamulkiisa uga go’antahay in la helo maalgeshi gudaha iyo dibadda, sida kulamada uu la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale heshiisyadii dhaqaale ee uu la soo galay inta badan siddeeddii dal ee uu safarrada ku tagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh keliya ma aha inuu doonayo in Soomaaliya ay siyaasad ahaan dunida u furfurnaato, ee ka qeybgalkiisa shirka  East African Community (EAC) iyo codsigiisa ku aaddan in dalkeena uu xubin ka noqdo ururkaasi, waxaa kale oo caddeyn u tahay meesha uu la rabo Soomaaliya.

(4). Horumarinta Arrimaha bulshada: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u muuqata inuu helay boogta ay ka hormari la’dahay Soomaaliya isaga oo ogaaday in si bulshada loo hormariyo ay muhiim tahay in laga hortago musiibooyinka, lana dhowro cimilada Soomaaliya.

Wasaaradda Bey’ada iyo Cimilada oo uu dhisay iyo wareegtada uu ku meelmariyey madaxda hay’adda maaraynta musiibooyinka waxaa ay tusaale u yihiin inuu u soo jeestay ciribtirka isirka dhibaato kasta oo bulshada heysata.

Madaxweyne Xasan waxaa uu shaqo fiican ka qabtay arrimaha abaaraha oo ku yimid kaddib afar xilli oo roob la’aan ahaa, isaga oo ergey gaar ah u magacaabay arrinkan, iyada oo ergeygana uu indhaha caalamka kusoo jeediyey dhibaatada abaarta oo gaartay heerka macluusha iyada oo hal milyan ay ku barakaceen gudaha halka ay siddeed milyan la il daran yihiin abaarta, tani waxaa ay horseedday in la helo ballanqaadkii ugu badnaa oo abaarta wax looga qabanayo islamarkaana yabooh badan laga sugyo dalalka Mareykanka, UK, midowga Yurub, dunida muslimka iyo meelo kale.

Madaxweyne Xasan iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku baraarugsan amniga cuntada ee ay dunida wajaheyso kaddib Covid 19 iyo dagaalka Ukrain, waxaana muuqata in arrintaasi laga dejiyey siyaasad fulinteedu ay socoto.

May 27, 2022:, waxaa uu madaxweynaha  ku dhawaaqay hindisaha shaqa abuurka dhallinyarada ee dowladda, waxaa ayna taasi daliil u tahay in maamulka cusub ka go’antahay shaqabuurka dhallinyarada.

(5). Soomaali Dunida Heshiis la ah: Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan waxaa uu 100-kiisa maalin ee ugu horreysay u safray 8 dal, 5 ka mid ah waxaa uu ku tagay dalalka geeska iyo Bariga Afrika, in ka yar 25 maalin uu ku maqnaa dalkaasi ayuu soo dhayey dhammaan daannooyinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo weliba keenay heshiisyo cusub oo leh 50  faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Dalalka uu Madaxweyne Xasan booqday waa Imaaraadka 19-06-2022, Turkiga, 03-07-2022, Eritrea 09-07-2022, Kenya 15-07-2022, Djibouti 16-07-2022, Tanzania 21-07-2022 , Masar 24-07-2022 iyo Uganda 08-08-2022.

Madxweyne Xasan Maxamuud inta aanu dibadda aadin, waxaa uu marka hore caasimadda kula kulmay dhammaan diblomaasiyiinta shisheeye, isaga oo ku wargeliyey siyaasadda maamulkiisa ah oo ah Soomaali dunida heshiis la ah.

Dalalka uu Madaxweyne Xasan tagay ee mugdi jiray iyo xiriirkii xumaa uu meesha ka saaray waxaa ka mid ahaa Imaaraadka, Masar, Kenya iyo Djibouti, iyada oo dalka dambe uuba guddoonsiiyey billad sharafta dalka ugu sarreysa.

Dalalka Imaaraadka iyo Turkiga waxaa ay kabi doonaan miisaaniyadda, waxaa kale oo xusid mudan in dammmaan dalalkaasi ay qeyb ka geysan doonaan taageerada amiga iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Heshiisyo 50 qodob kor u dhaafaya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray madaxda dhammaan dalalka uu booqday kuwaas oo isugu jira arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo qaar kale.

Imaaraadka , madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kalsoonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalgeshiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Soocelinta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bilaash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soomaalida amniga, gaar ahaan la dagaallanka argigixisada iyo (10) Iskaashi dhinacyo kale oo horumarineed ah.

Turkiga: Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqasho dhiirrigelin ah u sameeyey ciidammo Soomaaliyeed oo tababar u jooga gobolka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay madaxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi, natiijada socdaalkaasi waxaa ugu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xiriirka labada dal. (2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka gacansiinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada. (3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sahlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Katilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caalami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

Eretera: Warmurtiyeedka oo 7 qodob ahaa oo labada dhinac saxiixeen waxaa ugu muhiimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2).  Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diirran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

Kenya: Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairobi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyadda xiriirta taariikhiga ah iyo masiirka midka ah ee labada dal ee ku saleysan nabadda, horumarka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee dal weliba. (2). Adkeynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bedqabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afrika (5). Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka billowdo Nairobi-Mogadishu (6). In labada dal ay isdhaafsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaadka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala duwan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee labada dhinac iyo arrimo kale.

Djibouti: Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djibouti waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.(3). Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigixisada. (5). In isku aragti laga noqdo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda  East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediyey ka dalbaday 7bada dal ee xubnaha ka ah ururkaasi in ay aqbalaan xubinnimada Soomaaliya.

Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa horumarro dhaqaale oo dhinacyo badan leh.

Masar: Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Masar kala heshiiyey horumarinta arrimaha amniga iyada oo Soomaaliya laga hirgeliyey Bankiga Masar, waxaa intaas dheer in la iska kaashado arrimo badan oo dunida iyo gobolka ah.

Uganda: Madaxweyne Xasan waxaa uu sidoo kale Uganda kula heshiiyey arrimo amni, dhaqaale iyo bulshada, isaga oo mideeyey ganacsatada labada dal isla markaana hubiyey iskaashi dhinacyo badan oo horseedi doono hormar labada dhinac ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada