U bood dhigaalka

Bank-ka Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $70 Milyan oo dolar

Sheeko:Dalka

Bangiga adduunka ayaa meel mariyay $70 milyan oo loogu deeqayo Soomaaliya si wax looga qabto adeegyada Bulshada aas aasiga u ah.

Lacagtaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada Biyaha, Beeraha, Deegaanka iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan miyiga fog ee deegaannada Soomaaliya.

Mashruuca adkeysiga biyaha ee loo yaqaan BARWAAQO, ay lagu sameyn doonaa horumarinta ugu balaaran ee lacagta uu Bank-ga adduunka bixinayo.

Mashruuca Barwaaqo waxa uu ku balaadhin doonaa adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed iyada oo lagu kordhin doono laba dawlad-goboleed oo dheeraad ah oo xubnaha ka ah dawladda federaalka ah ee Hirshabeele iyo Jubbaland-halkaas oo mashruucan diiradda lagu saari doono meelaha ka fog biyaha Shabeelle iyo Jubba.

Mashruucani waxa uu biyo siin doonaa 500,000 oo qof, oo ka dhigan ku dhawaad 15% dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan hagaagsanayn.

“Mashruuca Barwaaqo waxa uu ka taageerayaa bulshooyinka si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee deegaanka,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

“Kordhinta helitaanka biyaha waxay gacan ka geysan doontaa horumarinta caafimaadka iyo fayo-qabka bini’aadamka, gaar ahaan marka la eego abaarta hadda jirta,” ayay hadalkeeda sii raacisay Svensson.

Goobjoog News