U bood dhigaalka

Barakac Ka Billowday Xaafado Ka Tirsan Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne ayaa billaabay in ay halkaasi ka barakacaan kadib markii wabiga Shabelle uu ku fatahay xaafadahaasi.

Dhammaan guryaha ku yaalla xaafadahan waxaa galay biyo aad u badan, waxaana jirin wax gaadiid ah oo xaafadaahan geli kara.

Waxaa la arkayaa dad badan oo gaari dameerro iyo gacmahooda kula soo baxaya alaabta muhiimka u ah guryahooda.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa aadaya deegaanno bannaanka ka ah magaalada Baladweyne, waxaana aysan haysan meel ay ku hoydaan amaba ay kaga gambadaan kuleylka cadceedda.

Waxaa laga baqayaa in fatahaadda wabiga Shabelle uu sidoo kale saameeyo xaafado kale oo ka tirsan magaalada Baladweyne.

Hoos ka daawo sawirada

Wabi10 Wabi9 Wabi8 Wabi7 Wabi6 Wabi5 Wabi4 Wabi3 Wabi2 Wabi1

Goobjoog News