Barakac Ka Socda Magaalada Baladwene Ka Dib Markii Webigu Fatahaad Bilaabay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegay in saaka magaaladaasi ay ka barakaceen dad badan, ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Dad badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya halkaasi,iyagoo u ambabaxaya dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada,waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada qeybaheeda kla duwan.

Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene, Ganacsato iyo dadweyne kale  oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakameynaayo .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku howlan dadaalo iyo qorshayaal looga hortagaayo qatarta wabiga shabeelle ee Magaalada baladweyne,ka dib markii halkaasi la geeyay qalab loogu talagalay in carro tuur loogu sameeyo wabiga.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW