U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan B/weyne Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Qoysas kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan kuna sugan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle gurmad dhan walbo leh.

Qaar kamid ah barakacayaashan oo la hadlay Idaacadda Goobjoog, waxay sheegeen in roob ka da’ay B/weyne ay waayeen meel ay kaga kambadaan, islamarkaana saameyn aad u daran ku yeeshay.

Waxay tilmaameen ineysan haysan meel ay roobka gambaad kaga dhigtaa, islamarkaana xilli walbo ay u baahan yihiin in garab la siiyo si ay u helaan meel ay roobka iyo cadceedda ka hoos galaan.

“Waayeel, Haween iyo carruur baan leenahay, wixii roob ah ee da’ay korkeenna ayuu ku dhammaaday, ma haysanno bac aan gambaad kaga dhiganno, sidoo kale ma haysanno meel aan jiifsanno iskaba daa wax aan cunno, waxaan  u baahannahay in gurmad degdeg ah nala soo gaaro” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah barakacayaasha B/weyne ku sugan oo la hadlay Goobjoog.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa si wadajir ah u codsaday in ugu horreyn lala soo gaaro raashiin ay cunaan iyo sidoo kale baco ay roobka kaga gambadaan.

Goobjoog News