U bood dhigaalka

Barakacayaal Saaran Doomo Oo Gaarey Boosaaso

Sheeko:Dalka

Dadkii ugu dambeeyey ee kasoo barakacay magaalada Qandala ee gobolka Bari ayaa habeenkii xalay ahaa waxay doomo ku gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa barakacayaashan waxay kusoo dhoweeyeen Dekadda Boosaaso, waxaana dadkaasi la geeyey goobo loogu talo galay iney ku nagaadaan.

Guddoomiyaha magaalada Qandala Saciid Waaberi Maxamed oo kamid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweeyey dadkan ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo u barakacay deegaannada kale ee gobolka Bari.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in dadkan aaney weligood ka barakicin deegaannadooda, balse markii dagaalyahannada Daacish ay qabsadeen degmada Qandala ay dantu ku kalliftey in halkaasi ka barakacaan.

“Markii Daacish ay qabsatey degmada Qandala dadku waxay ku kalliftey in naftooda kala soo cararaan cadowga, dadka qaar weligood ma aaney imaan Boosaaso, waxayna u baahan yihiin dadka iney helaan gurmad, maadaama naftooda oo kaliya ay lasoo baxsadeen” ayuu yiri guddoomiyaha Qandala.

Dhanka kale qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay Qandala oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay argagaxeen markii ay arkeen in ciidamo Daacish ah ay la wareegeen degmadooda.

“Annaga waanu argagaxnay, waan kasoo cararnay markii aan aragnay Daacish, waxay inoo sheegeen in degmada aysan waligood ka baxayn oo ay tahay sidii ay u qabsadeen, meel walbo waxay ka taageen calamadooda, iskuuladiina wey burburiyeen” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka kasoo barakacay degmada Qandala.

Dagaalyanno sheegtay iney ka tirsan yihiin Daacish ayaa 26-kii bishan waxay la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Goobjoog News