U bood dhigaalka

Barnaamijka OGAAL Oo Lagu Gorfeeyey Garsoorka Dalka iyo Heerarkiisa

Sheeko:Dalka, War

Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV,  uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkan looga hadlay garsoorka guud ee dalka, waxuuna daba socday barnaamijii todobaadkii hore ee dhaqanka, garsoorka iyo shareecada.

Barnaamijka, waxaa todobaadkan marti ku ahaa: garsoore Maxamed Cumar oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka, iyo sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ah sharci yaqaan.

Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay inuu bulshada barnaamijka ku xiran inuu u sharaxo waa maxay Garsoor, muxuuse ka kooban yahay, siduu u shaqeeyaa, Garsoore Cumar oo ka jawaabayey waxaa uu yiri” Garsoor marka la yiraahdo, Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay 19960-kii waxaa ay qaadatay habka dowladda casriga ay dowladdu kala baxsan tahay awoodaheed, Shaci dejintii oo baarlamaankii ah, Fulintii iyo Garsoorkii, marka qofka Soomaaliga ah garsoor waa uu fahmi karaa oo haddii khilaaf uu yimaado waxa uu u baahan yahay xal iyo in laga garnaqo oo laga garsooro, marka haddii la fahmo oo la soo dhoweeyo xeerarka dadku ay ku heshiiyaan oo heshiiska banii’aadamka ah, marka laga hadlo shareecada Islaamku annaga  waa saldhiggeena, marka waxaa dadku ay dhexdooda uga heshiinayaan ama maamulka”.

Garsoore Maxamed oo sii halaya “Baarlamaanku waxa shaqadiisu waxaa waaye wixii xeerar ah ee markaas sharcigu ogol yahay in ay ku heshiiyaan iney dhigtaan, Fulintuna waxaa waaye wixii la dhigay, haddii canshuur tahay ama ganacsi tahay fulintiibaa iska leh wixii socodsiintiisii, wasaaradihiibaa ka mid ah, ciidamadiibaa ka mid ah, haddii marka sharciogii loo gafo, hay’ad kale oo sedexaad oo ay tahay gafkaas ay la xisaabtanto ciddii gashay oo ciqaabtiisa ay mariso ayaa ayadu gadaal fadhisa, marka sedexdaas awoodood waa ay kala madax banaan yihiin oo mid waliba heerkeeda ayeey ku egtahay”.

Sidoo kale Sharciyaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa asaguna ka jawaabay dhankiisa su’aashii la weydiiyay garyaqaanka waxaa uuna yiri”  Garsoor waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah Gar iyo Soor,  Gar waxaa la yiraahdaa waa xaqiiqda ama cadaaladda, Soorna waa in cadaaladdii la dhaqan galiyo oo la jideeyo, Garsoor waa mid ka ka mid ah hey’adaha aasaasiga ah oo nidaam dowli ah oo casri ah oo maanta jira uusan ka maarmin, waxa ayna ka mid tahay hay’ado  ka qeyb ah gaarista cadaaladdaiyo xaqa, Garsoor waa hey’ad , hey’ad marka la yiraahdana waa jiritaan nidaam ka kooban dad garsoorayaal, sharci yaqaano iyo kaaliyayaal, una xil saran u jeedooyin waa weyn oo dastuuri ah, ujeedooyinkaas dastuuriga ah waxaa waaye in bulshada meeshaas ama nidaamkaas dowliga ah leh ama wada leh in sharciga u yaala ay ku dabaqdo ama ay ku dhaqan galiso markii ay wax isku qabsadaan, Garsoorku waa sidaas. Marka loo yimaado qaabdhismeedkiisa maadaama uu hay’ad yahay, waxaa uu leeyahay hay’ado ama maamulo nidaam xukun oo kala sareyn ah ayuu leeyahay, marka Soomaaliya oo kale, marka la yiraahdo hay,adda Garsoorka,Garsoorku waxaa uu ka kooban yahay adeega Garsoorka iyo maxkamadaha”.

Dhanka kale sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ka jaabayey su’aal aheyd sideey u kala sareeyaan maxkamada Garsoorka ayaa yiri “ Kala sareynta Garsoorka ayaa waxaa ka mid ah maxakamadda sare, maxkamadaha heer gobol, heer degmo iyo kuwa racfaanka oo gobol walbaaba gooni u leeyahay, waxaa dastuurkaan 2012-kii la qaatay uu dhisayaa ama uu gooni u abuurayaa, maxkamad sare maxkamad dastuuri ah, waa jibaadka maxkamadda dastuuriga ah horey waa ay u jereen lakiin waxaa ay aheyd waajibaad u yaala oo ay qabato maxkamadda sare, maxkamadda dastuuriga ah sharcigeedii waa uu qoran yahay,  dastuurkuna waa uu jideeyay in la dhiso oo awoodo xadidan leh maxkamaddii iyo goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo waliba dadkii ku shaqeyn lahaa wali madhisna, kaliya waxaa yaalo sharcigii lagu dhisi lahaa xubnahaas.

Carafaad oo sii hadlaya “Nidaamka dowliga ah waxaa la yiraahdaa hey’ad ama shaqo dowli ah meel maran ma dhacdo, waxaa loo laabanayaa sida uu dastuurka hadda jira ee 2012-kii la  ansixiyay qodobkiisa 139 uu leeyahay, sharciyadii horay u jiri jiray ee dalka waa lagu dhaqmi karaa inta laga badalaayo iyo wixii ka hor imaanayo mabaadiida dastuurka, sharciyadii horay u jiray waxaa ka mid ah in awoodaha maxkamadda dastuuriga ah hadda la siiyay ay horay u laheyd maxkamadda sare, sida ay ila tahay sharciyan maxkamadda sare maqnaashaheeda haddii loo baahdo waajibaadkii iyo baahidii loo qabay inta laga dhiosaayo waxaa badalkeeda sii galaaya  maxkamadda sare ee federaalka”.

Garsoore Maxamed Cumar oo dhankiisa ka jawaabayey su’aashii hore ee la weydiiyay sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri” Garsoorku waxyaabaha uu ka garnaqayo waa ay kala culus yihiin, oo waxaa jirta haddii waxa lays ku haayo ay yihiin wax yaabo la xariira fasiraadda dast uurka iyo qodobkaan inuu ka hor imaanayo sharciga iyo in kale, waxaa fasiraadda iska leh maxkamadda dastuuriga ah, sidoo kale haddii dowladdu dhexdeeda ay isqabato ama dowlad gobaledyadu waxaa uu sheegayaa in maxkamadda dastuuriga ay tahay midda kala saareyso.

Maxkamadda dastuuriga  shaqooyin badan oo kale ayeey qabataa waxaa ka mid ah haddii madaxdu lagu soo eedeyso in ay sharciga u gafaan ciddii oran laheyd waxaas waa sax ama waa qalad in ay ayada tahay, waxaa ka loo ka mid ah doorashooyinka oo haddii qalad ka yimaado waa ayada ciddii oaran laheyd halagu celiyo, dastuurka ku meelgaarka ah sida uu jideynayo waxaa soo jeedinta iska leh guddiga adeega Garsoorka maadaama uu golihii uu maqan yahay golahaas ayeey ayaduna ay ku xiran tahay,Lakiin maxkamadda sare ayadu dacwadihii hoos ka imanayay ka soo bilaabanayay degmo ilaa gobol ilaa maxkamad racfaan dacwadahaas uun ayaa soo gaara oo halkaas ayeey u soo socotaa  marka howsheedu waa culus tahay.

Soomaaliya maxkamad dastuuriya oo gooniya waligeed mayeelan ilaa 1960-kii iyo nidaamka Garsoorka oo 1962-dii la sameeyay, in maxkamadda sare lagu soo biiranaayo afar xubnood oo labana ay dowladdu soo magacaabeyso labana ay Baarlamaanka ay ka imaanayan markaas ayeey isku noqonayaan maxkamaddii dastuuriga aheyd, hadda lafteeda haddii ayna maxkamaddii jirinna sida saxdaa waa in maxkamadda sare ay awoodihii ay sii haysato ilaa laga qaadayo si loo ilaaliyo meel maran inay jirto”

Garsoore Maxamed Cumar ayaa la weydiiyay yaa maamula hadda golaha adeega Garsoorka Soomaaliya waxaa uuna yiri “ Golihii adeega Garsoorka waa la kala diray xukuumaddii tan ka horeysay ayaa la kala diray waa uu jiray ilaa haddana bahidiisii waa taagan tahay,  dastuurkuna waxaa uu farayaa ilaa 30 cisho in lagu soo dhiso waayo waa hay’addii u taagneyd madaxbannaanida Garsoorka iyo maamulkiisa, maadaama hadda golahaas uu maran yahay gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa wixii maamulka Garsoorka asaga ayaa uga sareeya, dastuurkuna waxa uu jidaynayaa in awooduhu ay kala madaxbannaan yihiin”.

Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa la weydiiyay maxaa la istic maalaa marka laga hadlayo public low ama sharciga dadweynaha waxaa uuna yiri“ majirto ha’ad dowladeed oo dhisan oo aan sharci ku dhisneyn majirto, hay’adaha dowladda mid waliba sharci ayeey ku dhisan tahay oo ayna fulisaa, bal ee Boliiska sharci ayuu dhisan yahay, wasaaradda arrimaha gudaha sharci ayeey ku dhisan tahay sharci ayeeyna fulisaa, dowlad tilaabo maba qaadi karto aan jirin sharci faraaya yarciyadaas oo dhan waxaa lays ku yiraahdaa sharciyada danta guud”

Garsoore Maxamed Cumar ayaa dhankiisa  la weydiiyay dadka Garsoorka dowliga ah ka tabanayo oo aan cadaaladda helin maxaa lagu qanciyanaa ayaa yiri” dhaliilaha Garsoorka loo jeedinaayo oo ay ka mid tahay tabar darida waa wax aan la diidi Karin, wadanka oo dhan ayaa ha’adaha kale ee dowladda ayuu la qabaa waayo annaga dowladnimadii oo dhan ayaa dhulka ku dhacday, marka waxaan ku jirnaa soo kabasho”

Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal aheyd saameynta Garsoorka ee nidaamka 4.5 waxaa uuna yiri” Nidaamkaan 4.5 ee beelaha ku saleysan waa nidaam dad badan dhinac markii ar ka fiirshaan amaaneen oo yioraahda waa nidaamka laguwa joogho oo xasiiloobida siyaasiyan marka ay ka eegeen, lakiin waxyaaabo badan oo laga rabay nidaam dowli ah oo xuquuuqda muwaadiniinta dhan ilaaliya ka hor imaanaya oo cuuryaaminaayo waaye”.

Ugu danbeyn Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay goormee ayaa la filayaa in Garsoor uu dhaqanka iyo shareecada isku dhinac loo jiheeyo si dadku ugu wada qancaan waxaa uuna yiri” Sedexdaas waxaa loo sheegaa sidii in ay is dhinac socdaan oo kale oo awoodo simman ay leeyihiin sidaas maahan, annaga shareecada islaamka ayaa dastuurkeena sal u ah, sharciyada kale ee heshiisyada banii’aadam uu qorto iyo wixii kale ee dhaqankeena oadayada ku jira Geedka oo talada lagu gooyo asaga ayaa shareecada islaamka ayaa dalad u ah oo ay wada harsanayaan, kala soocnaantaasna waxaa ay ka timid wixii aan horay u aheyn”.

Ugu danbeyn Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri dhankiisa” sharciyadeena noo qoran labada  nidaam iskama horkeenayaan waa isla socdaanba, sharciyadeena noo qoran oo madaniga ah waxaa ku jira Garsoorka bulshada dhexdeeda ah in loo baahan yahay dhexdhexaadinta iyo suluxa intaan Garsooorka dowliga ah la imaan oo awooda dowliga ah adeegsanaaya, marka bulshadu waxyaabaha madaniga ah dhexdooda in ay isoo xaliyaan qaab beeleed  ama qaab maxkadaha hoose ha isku xaliyaan, ujeedka laga leeyahay waxaa waaye dadku waxa dhex yaala iyo khilaafaadkooda inay xalistaan oo  cadaaladda ay helaan Garsoorku waxa uu u taagan yahay waxaa la yiraahdaa habraac”.