U bood dhigaalka

Baydhabo: 12 Qof Oo Shil Ku Geeriyootey, Sanadkaan Gudahiisa

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Ilaalada waddooyinka gobolka Baay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka adage ee xilligaan ka taagan waddooyinka magaalada Baydhabo iyo sidoo kale sanadkaan inta ruux ee ku dhimatay shil ka dhacay magaaladaasi.

Mayow Sheekh Mukhtaar, Taliyaha ciidamada Ilaalada ee gobolka Baay oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney hayaan kiisas badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo ka dhashay shilal kala duwan oo magaaladaasi ka dhacday.

Wuxuu tilmaamay in 12 qof ay ku dhinteen shilal ka dhacay magaalada Baydhabo, ayna dhaawacmeen 40 kale, maalin walbana wuxuu tilmaamay in shilkaan uu dhaco.

“Waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo gaadiidka geystaan, 12 qof ayaa sanadkaan shil ugu dhintay Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay 40 kale, annaga gaadiidkii shaqada loogu talogalay sida Mootooyinka ma haysanno, hadane dedaal waan wadnaa oo meel walbo waan joognaa” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Taliye Mayow ayaa ugu baaqay wasaaradda gaadiidka K/galbeed in aysan taariko iyo leesin midna aanay siin dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 18 sano, kadib markii uu sheegay in shilalka ka dhaca magaaladaasi ay iyaga ugu badan yihiin.

“Wasaaradda gaadiidka waxaan ugu baaqayaa ineysan Leesin iyo Taariko siin dadka da ahaan ka yar 18-sano si amniga loo sugo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliyaha.

Goobjoog News