U bood dhigaalka

Baydhabo: Dhismaha Cusub Ee Dahabshiil Oo Noqday Midka Ugu Quruxda badan Maamulka, Sawirro

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Cabdi Casiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonfurta iyo badhtamaha  ee shirkadda Dahabshil Goup mudane Xassan Cabdi Cawad ayaa  goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku daahfurtay dhismaha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul xariga ka jareen.

Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhismaha uu noqon-doono  xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla markaana laga heli doonno dhammaan adeegyada shirkada Dahabshil Group sida adeegyada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaweyn iyo kuwa yaryar,  sidoo kale adeegi xawaalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Internetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G.

Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed kusoo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halka  gudoomiyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Sheekuna Maye oo  isna khudbeeyey uu ka hadlay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maalgelinta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaadayso ganacsiga KGS .

Ugu dambeyntii, waxaa xafladda ka hadlay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdi Casis Lafta-gareen  isaga oo ugu horayn Dahabshil uga mahadceliyay inay Baydhabo ka dhistay dhismihii ugu quruxda badnaa,  sidoo kale uu soo dhoweeyay adeega Microfinance ee ganacsiyada yaryar kor loogu soo qaadayo.

Shirkadda Dahabshiil oo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ugu weyn dalka ayaa waddo isbalaarin xoogan, iyada oo mar walbo deegaannada dalka geysa adeegyo ay dadka ka faa’idaan, ugana kaaftoomaan safar dheer.

Sawirrada Xarunta Dahabshiil ee Baydhabo: