U bood dhigaalka

Baydhabo: Howlgal Guri Ka Guri Ah Oo Socda

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa guud ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhaba waxa ay ka wadaa howlgal Guri ka Guri ah, kaasi oo amaanka lagu xaqjiinayo.

Howlgalkaan ayaa socda maalintii Sedaxaad, waxaana shalay iyo maalintii kahoreysay ay ciidamadaan baareen guryaha ku yaalla xaafadaha kala ah Isha Baydhabo iyo Berdaale, waxaana maanta howlgalka uu ka socdaa maanta xaafadda Howlwadaag.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhaba ayaa u sheegay saxaafadda in Labadii maalin ee howlgalkaan wadeen kusoo qabteen hub sharci darro ah, islamarkaana uljeedka howlgalka yahay ogaanshiyaha hubka yaalla magaalada iyo sidoo kale soo qabashada cid walba oo amniga wax u dhimaysa.

Xaafad walba ayaa inta howlgalkaan uu ka socdo waxaa isku gadaamaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la ogoleyn dhaq dhaqaaqa dadka shacabka ah.

Goobjoog News