U bood dhigaalka

Baydhabo Iyo Kismaayo Oo Ay Ka Socoto Dhageysiga Musharrixiinta Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa hadda ka soconaya dhageysiga khudbadaha musharrixiinta aqalka sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed.

Musharrixiintani oo liiskooda uu horey u soo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa waxaa ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Musharraxiinta ayaa khudbado kala duwan iminka u jeedinaya xildhibaannada Koonfur Galbeed oo soo dooran doonaa siddeedda musharrax ee aqalka sare ee dowladda cusub u mateli doonta maamulkaasi.

Shirka baarlamaanka Koonfur Galbeed waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha baarlamaankaasi ee Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Xubin kasta oo khudbad jeedinaya ayaa diiradda saaraya in wax badan uu qaban doono haddii uu ku soo baxo codeynta ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

Maalmaha soo aadan ayaa qorshaha uu yahay in magaalada Baydhabo lagu qabto doorashada aqalka sare ee ka imaanaya Koonfur Galbeed oo gaaraya siddeed xubin.

Dhanka kale, magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda dhageysiga musharrixiinta aqalka sare ee ka imaanaya dhanka Jubbaland oo iyana ah siddeed xubin.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa loo jeedinayaa khudbado kala duwan oo ay u jeedinayaan dadka u tartamaya kamid noqoshada aqalka sare.

Masuuliyiintani waxaa kamid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag).

Goobjoog News