U bood dhigaalka

Baydhabo Oo Looga Dhawaaqay Urur Qareen

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka ayaa looga dhawaaqday ururka qareennada Madaxa banaan kuwaasi oo dadka ka caawin doona helidda adeegga garsoorka .

Daahir Maxamed Cali oo xogheyaha ururkan ayaa sheegay in Shacabka ay kala shaqeyn doonaan sidii ay u heli la haayeen nidaam garsoor oo ku dhisan Caddaalad.

“Waxaan baalanqaadeynaa in aan Shacabka kala shaqeyn doonno sidii ay u heli lahaayeen Caddaalad marka ay Maxkamadaha joogaan si hufanna loogu kala gar qaado”.

Guddoomiyha maxkamadda Sare ee K/ Galbeed Soomaaliya Axmed cali Muuse ayaa isna sheegay muhiimadda uu leeyahay in la dhiso Uururka qareennada Koofur Galbeed waxaa uu tilmaamay in Shacabka ay u baahanyihiin garsoor ku dhisan Caddaalad.

“Umadda aqoon uma lahan Sharciga waxaa lagama maarmaan ah in ay helaan dad ka caawiya sharaciga dadkaas oo u dhashay deegaanka “.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka K/Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay wada shaqeyn dhow la yeelan doonto ururkan, ururkan ayaa waxaa uu ka caawin doonaa dadka sidii ay u heli lahaayeen garsoor ku dhisan caddaalad waxaa ayna dadka ka caawin doonaan dhanka Sharciga.

Goobjoog News